Multimedia Newsroom
Images & footage available to download at no charge. They may not be sold or transferred to a third party or used for commercial purpose. Caution: our footage can be distressing.

30-04-2020 | Latest News , Africa , Health Care in Danger

Soomaaliya: Kiisaska Xumadaha, Xarumaha, caafimaadka, Isitaalada, iyo Ciriiriga xabsiyada ee COVID 19

Kiisaska COVID-19 ayaa ku sii kordhaya Soomaaliya sida isbitaalada daryeelka, xabsiyada, iyo meelaha bulshadu isku ciriiriyaan, taas oo ay dadka uu ku dhici karo xanuunka iyo Feyriska.

In ka badan 500 Kiis oo ah COVID-19 ayaa la caddeeyey Soomaaliya gudaheeda, badan koodu waa caasimada Muqdisho gudaheeda iyo hareeraheeda, tan iyo intii la caddeeyey kiiskii ugu horeeyey Lix isbuuc ka hor. Guddiga caalamiga ah ee laan qeyrta cas (ICRC) waxay ka cabsi qabtaa in run ahaantii kiisaska culayyskoodu ay sii kodhi karaan, dad badana laga yaabo in ay xanuun sadaan isbuucyada soo socda.

Waxaynu ka cabsi qabnaa tirada sii kordhaysa oo kisaska ah, nasiib daro waxaynu tixgalinaynaa ma aanan arag waxa ugu sareeya, weli waxaan araganaa tiro aad u badan oo Kisas ah oo la caddeynayey  isbuucada soo socda. sidaas waxaa yiri Ana Maria Guzman isku duwaha caafimaadka ee Gudiga caalamiga ah ee laan qeyrta cas (ICRC) ee Soomaaliya.

Hababka daryeeka caafimaad ee Soomaaliya waxaa hareeyey sanado rabsahado ah iyo maal gelin la’aan, kaliya 50% dadka ku nool magaalooyinka ayaa lagu qiyaasay in ay helaan daryeel caafimaad, taasina waxay hoos u dhacday 15% dadka miyiga ku nool, awooda daryeel caafimaad ee deg-dega way yar tahay, isbitaalada badankooda waa adeeg koronto la’aan joogta ah, iska dhaafba mashiinka neefta.

“Dadku wey dhimanayan,” sidaas waxaa yiri Dr Maxamed Yuusuf iskuduwaha isbitaalka Madiina ee Muqdishu. “Dhimashada ayaa waxaa laga xaqiijiyey gobolo kala duwan, dadku dibada ka ma aysan ka imaan waa kuwo wadanka joogay. waxaan u malaynayaa in aad qiyaasi kartid sida dhaqsaha leh ee uu cudurku ku faafay… dhibka jira waa in aanan haysan qalab nagu filan, oo looga jawaabo dhibaatada, Muqdisho gudaheeda ka jirto meel aan dhihi karo maanta waa diyaar.”

Isbitaalada iyo goobaha kale ee caafimaadka ee Soomaalia waxay ku dadaalan sidii ay iskula meel dhigi lahaayeen talaabooynkii looga hortagi lahaa COVID-19. Sidaa heerkul hubinta, gancmo dhaqashada iyo alaabaha lagu hubiyo Kiisaska laga shaki san yahay.  In si dhaqso leh loo karantiilo, arintu si kastaba ka aahaatee ugu dhawaan 50 Kiisas ah ayaa la cadeeyey hal maalin isbuucii la soo dhaafay, awooda jirta ee lagu daweeyo kiisaska daran ayaa si dhakhso leh loo qaban doonaa.

Caqabadaha xakamayna faafida COVID-19 Soomaaliya waa mid weyn, dagaalada iyo dhibaatooyinka cimilada ayaa ka bara kiciyey kumanaan Soomaali ah guryahooda, qaar badan oo ka mid ah waxay ku nool yihiin xeryo barakacayaal ay buux dhaafiyeen ama deegaano cirii ah oo aad u buux dhaafay oo magaalada hareeraheeda ah, kala fogaanshaha waa mid aan suurta gal ahayn, badan kooduna ma haystaan saabuun iyo biyo ay gacmahood si joogto ah ugu dhaqaan, tani waxay abuurtaa in fayriku abuurno isla markaana faafo.

Inta uu COVID-19 qatar gelinayo bulshada caafimaadka ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu u leeyahay qatar dadka ku nool xabsiyada dalka, sida xeryaha barakacayaasha iyo dadku aadka isugu badan ee deriska magaalooyinka, kala fogaanshaha iyo gancmo dhaqidu waa mid aysan maaxaabiitu ku dhaqmi marin.

Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) waxay dhawaanahan qeybisay saabuun qalab nadaafadeed iyo mid faya dhowr, waxayna u qeybisay maxaabiista ku jira xabsiyada dalka si looga hor tago COVID-19, Cali Axmed waa mid ka mid maxaabiista xabsiga dhexe ee Muqdisho taasoo Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) ay ku tababartay ka hortaga COVID-19.

“Faafida cudurka ka dib waxaa nala tusay sida loo dhaqdo gacmaheena waana garanay,” ayuu yiri Cali. “Hada sahayda lana siiyey walaalahay gudaha ku jira, waana tusi doonaa sida loo isticmaalo, waana tusi donaa sida loo dhaqo gacamaha  markii aad galaysid qolkaaga, waxaan Alle ka baryeynaa in uu naga ilaaliyo cudurka. sidaas darteed halkan ma imanayo.”

Qoraalo ah howlgalada Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) ee Somaaliaya:

·         Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) waxay caawisaa 29 xarumood oo daryeelka caafimaadka aas-aasiga ah ee Jubaland, Koofur- galbeed, Hir-shabeele iyo Galmudug, in la aas aaso hab dadka lagu kala sooco laguna hubiyo  COVID-19, isla markaana iyadoo lala kaashanayo masuuliyiinta caafimaadka, Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) waxay taageertaa xirirka dabagal ka iyadoo loo marayo xarumaha wicida bulshada, iyadoo hada la dabagalay kiisas Banaadir, Baydhabo  Kismaayo, Bardheere, and Ceel waq.

·         Isbitaalada Baydhabo, Madiina iyo Keydsanay  Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) waxay ka caawinaysaa Teendhooyin ka hor tag iyo agab daaweyn COVID-19 oo ah kiisaska dhexdhexaadka ah iyo kuwa daran ( marka laga reebo 5% kiisasku waxay u baahan doonaa mashiinka neefta, waxaa kale cosdo qeybinta qalab ka hortaga shaqsiyadeed, iyo sahay kale oo caafimaad.

·         Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) iyo bisha cas ee Soomaaliyeed waxay qabateen in ka badan 20,000 oo kulan dhiirigeln caafimaad oo ku saabsan COVID-19, iyagoo markaas gaasiiyey 185,000 oo ruux oo kala ah Banaadir, Jubada hoose, Gedo, Hiiraan, Shabelada hoose, Shaballada dhexe iyo Galgaduud, ku dhawaad waxaa sidoo kale loo qeybiyey bulshada 140,000 oo saabuun ah.

·         Guddiga laanqeyrta cas ee caalamiga (ICRC) waxay u qeybiyeen 22 xabsi oo Soomaaliya ah 5,000 oo saabuuun ah, 100 oo goobaha gacmaha lagu dhaqdo ah, 36,000 saabuunta dhaqida ah iyo 9,000 oo garaam oo Oomada dhaqida ah iyo qalab kale oo nadiifineed, xitaa kooxahan waxay la wadaageean warbixin ah sidii loo xakamayn lahaa COVID 19 masuuloyiinta xabsiga iyo maxaabiistaba.

For further information, please contact:

Mohamed Abdikarim, ICRC Somalia, +254 770 171 756

Crystal Wells, ICRC Nairobi, +254 716 897 265

SHOTLIST

Location: Mogadishu, Somalia

Language: English, Somali

Length: 15:09

Format: mp4, h.264

Camera: Ismail Taxta, Abdikarim Mohamed

Editor: Abdikarim Mohamed

Filming date: 11th, 12th, 14th and 15th of April

Copyright: ICRC access all

Duration : 15m 9s
Size : 546.5 MB
On Screen Credit: ICRC or logo

More Related News